Jahwareer ka taagan gobolka Kashmiir

0
ciidamada hindiya

Mas’uuliyiinta dalka Hindiya ayaa howlgallo kale oo militari kusoo roggay gobolka Kashmiir xilli muslimiinta gobolkaas ay u dabaaldeggayaan munaasabadda Ciidda Carafa, ciidammo badan ayaa ku sugan waddooyinka magaalada caasimadda u ah gobolkaas ee Srinagar. Waxaana weli maqan isgaarsiinta magaaladaas in ka badan muddo toddoobaad ah.

Weriye BBC ka tirsan ayaa kusoo warramaya in misaajiddada waaweyn ee ku yaalla Kashmiir lagu wado in la xiro maadama dadka loo ogolyahay inay ku tukadaan misaajaddada kale ee ku yaalla xaafadaha.

Kumanaan kamid ah ciidammada militariga ee Hindiya ayaa waxay howlgallo ka wadaan gobolka.

Howlgallada Hindiya ay ka waddo gobolka Kashmiir ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ballaaran kaddib markii ay gobolkaas kala noqotay aqoonsigii gaarka ahaa ay u heysay Kashmiir, boqolaal qof ayaa la xiray oo ay kamid yihiin siyaasiyiin kasoo jeedo halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here