India oo 23 arday ah isdaldaleen ka dib markii ay ku dheceen imtixaankii dugsiga sare

gabadh isdishay india

Ugu yaraan 23 dhallinyaro ah oo ku nool gobolka Koonfurta ku yaal ee dalka India ee Telangana ayaa isdilay tan iyo markii natiijooyinka imtixaanka dugsiga sare lagu dhawaaqay bishii Abriil ee sanadkan. Deepthi Bathini BBC Telugu wuxuu sharxayaa sababta natiijooyinka ay noqdeen kuwo muran ah.

Thota Vennela waxay jeceshahay cunto karinta, daawashada ruwaayadaha iyo in ay cunto cunnooyinka lagu iibiya agagaarka waddooyinka.

Walaalkeeda ka weyn, Venkatesh, oo 19 jir ah, ayaa dhawaan baratay sida loo wado mootadiisa. “Aad baan ugu faraxay in aan arko iyada oo mootada u wadda sida qof xirfadle ah, basle mararka qaar iyada oo aan ogayn ayaan raaci jiray si aan u hubiso ammaankeeda,” ayuu yiri. Venkatesh iyo walaashii ayaa marar badan ku dagaalamay mootadan basle mar kastaa waxay ahaayeen kuwo walaala ah oo aad isugu dhow.

Venkatesh ayaa ilmeeyay markii uu boorsadiisa jeedbak ka soo bixiyay sawirka walaashii. 18-kii Abriil – maalintii ay ogaatay in ay ku dhacday imtixaanka fasalka 12-aad – Vennela ayaa cabtay sun. Saacado ka dib aya ku dhimatay isbitaalka.

“Waxay ku celcelinaysay, sidee baan imtixaanka ugu dhici karaa?” sida ay hooyadeed, Sunitha, u sheegtay BBC-da. “Waan u nasteexeynay ama waaninay oo waxaanan u sheegnay in ay iska caaditahay, ayna codsan kareyso dib-u-qiimeyn ama in mar kale imtixaan laga qaado, balse xitaa markii ay isbitaalka ku jirtay waxay la hayd, ‘waxaa habbooneyd in aan imtixaankaasi ku guuleysto.”

Vennela waxay ka mid ahayd in ka badan 320,000 oo arday ah oo ku guuldarraystay imtixaanadii dugsiga sare ee gobolka Telangana. Dhammaantood waxay wax ka baranayeen dugsiyo ay manhajyadoodu dejisay wasaaradda waxbarashada ee dalkaasi. (Iskuullada qaar ee dalka India waxaa manhajkooga waxbarasho dejiya guddiga qaran ee waxbarashada.)

‘Adigu ma tihid natiijadii aad keentay!’ ayay yirahdaan ardayda waddamda India iyo Shiinaha

Waxbarashada sare ee dalka India ayaa ah mid aad loogu tartamo. Imtixaannada shahaadiga ahi ee dugsiyada sare ayaa ah kuwo muhiim u ah helitaanka jaamacad wanaagsan – waxaa loo arkaa in imtixaankani yahay kii ardayga mustaqbalka u sahli lahaa shaqo wanaagsan iyo mustaqbal wanaagsan. Jaamacadaha ugu sareeya dalkaasi ayaa sidoo kale qaada imtixaan ka madax-bannaan kan dowladda, balse ardayda ku guuleystay imtixaankaasi ayay suurtagal in ay jaamacadaha ku biiri waayaan waa haddii ay ku dhacaan imtixaanka dowladda.

Maalmo ka dib markii la shaaciyay natiijada imtixaanka, waxaa waddooyinka isugu soo baxay arday iyo waalidiinta aad u naxsan, waxa ayna ku doodayeen in ay khaldan loo saxay imtixaanka, waxayna dalbanayeen in mar labaad lagu noqdo saxitaanka imtixaankani.

“Wiilkaygu wuxuu natiijo wanaagsan ka keenay xisaabta, Fiisikis iyo kimistari imtixaankii fasalka 11-aad, laakiin sanadkan natiijadU waxay muujinaysaa in uu Xisaab uu ka helay boqolkiiba hal fiisikisna uu ka helay eber, sidee bay suurtagal u tahay arrintaasi?” ayuu yiri Venugopal Reddy.

“Waxa uu isku diyaarinayay tartanno kale, balse natiijadii ka dib, aad ayuu u niyad jabay. Wuxuu joojiyay dedaalladii uu waday iyo cuntadiiba, wuxuuna diiday inuu ka baxo guriga. Waxaan ka walwalsanahay maskax ahaan caafimaadkiisa,” ayuu sii raaciyay.

Iyadoo dibad-baxyada ay sii xoogeysanayeen ayaa haddana waxaa soo baxayay warar sheegaya arday ku dahcday imtixaanaadkii oo isdaldashay guud ahaan gobolkaasi.

Kooxda u dhaqdhaqaaqda xuquuqda carruurta ayaa dacwad horgeysay maxkamadda sare ee gobolka, taa oo amar ku bixisay in guddiga imtixaanaadka uu dib u saxo dhammaan imtixaanaadka ardaydii dhacday. Natiijooyinka cusub ayaa lagu dhawaaqay 27-kii Maajo – 1,137 oo ka mid ah ardaydii la sheegay in ay imtixaanka ku dheceen ayaa dib loo eegay, waxaana lagu dhawaaqay inay ku guuleysteen imtixaannada. Arday markii hore la sheegay in uu eber ka helay hal maado ayaa markii dambe oo imtixaanka dib loo saxay la shaaciyay in maadadaasi uu ka helay 99.

Dhibaatada murankani waa xuddun dhexaad u ah Globarena Technology oo ah shirkad gaar loo leeyahay oo sameysa barnaamijyada koombiyuutarada ku shaqeeyaan, taa oo sanadkii 2017 ku guuleystay qandaraas ay dowlada bixisay oo ahaa in ay maamusho imtixaanka guud ee gobolka oo ay u fariisteen arday dhan in ka badan 970,000 oo arday. Sidoo kale waxa ay mas’uul ka ahayd saxidda imtixaankaasi oo soo gudbiso natiijada arday kastaa.

Guddiga waxbarashada ee gobolka oo qandaraaskaasi siiyay shirkadda Globarena ayaa sheegay in isdaldalaadda ardaydani aysan “la xiriirin khaladaadka farsamo iyo kan natiijo”.

Globarena ayaa qirtay in ay jireen khaladaad.

“Waxaan raaceynaa nidaamka uu dejiyay guddiga. Dhacdooyinka dhacay ayaa ah kuwo nasiib darro ah. Markii hore waxaa jiray khaladaad farsamo, dib ayaan markii dambe ka saxnay,” VSN Raju oo ah madaxa shirkada ayaa BBC-da u sheegay bishii Abril.

Qoyska mid ka mid ah ardaydii naftooda dilay – Anamika Yadav – ayaa sheegay in ay dacwad ka gudbinayaan guddiga waxbarashada iyo Globarena.

Qoyskeeda ayaa BBC-da u sheegtay in gabadhaasi oo 16-sano jir ahayd ay is dishay saacado kadib markii ay ogaatay in ay ku dhacday imtixaanka. 27-kii Maajo, dib-u-qiimeyntii la sameeyay ayaa lagu sheegtay in ay natiijo wanaagsan ka keentay imtixaankaasi, laakiin saacado ka dib mar kale ayaa dib loo saxay – waxaana la sheegay in ay ku dhacday.

Waxay u muuqataa in uu jiray khalad markii la shaacinayay natiijadeeda. Madaxda guddiga ayaa sheegay in Globarena aysan ku lug lahayn dib-u-qiimeyntii lagu sameeyay natiijada gabadhaasi.

“Tani ayaa na gelisay shaki,” ayuu yiri aabaha Anamika, Atul Ganesh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here