Guddi kale oo doorasho oo magaalada Kismaayo looga dhawaaqay

calanka jubbaland

Baarlamaanka Jubbaland, gaar ahaan garabka la magac baxay bad-baadada Jubbaland, ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Sidoo kale baarlamaanka maanta magacaabay guddiga doorashada, ayaa waxay soo saareen habraaca doorashada madaxweynaha Jubbaland, oo ay sheegeen in la qabanayo 22-ka bishan.

Xubnaha guddiga la magacaabay ayaa ka kooban 13 qof, dhaamaantoodna waa xildhibaanada garabka ay ku dhawaaqeen musharaxiin is-baheysatay oo kasoo hor jeeda, hanaanka loo wado doorashada maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here