FAYSAL C WARAABE WELI WUXUU AAMINSAN YAHAY HAWIYE REERKIINAA KICIYEY OO SIYAAD BARRE IYO DAAROOD KU DIRAY

faysal

Ururkii SNM iyo Siyaasiyiin Badan oo ka soo jeeda Beesha Isaaq, ayaa had iyo jeer marka laga hadlayo Burburkii Soomaaliya ku faani jiray inay igu ka dambeeyeen kacdoonkii Beesha Hawiye ee Dawladii Somalia lagu riday iyo weliba colaadii qabiilka Daaroodka, taasoo keentay inay dalkoodii iyo Dawladoodii burburiyaan.

Fekerka noocan ahi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn oo cunsuriyad iyo isla weyni ku saleysan, nidaamkii dhacayna wuxuu ahaa mid xun oo aduunka oo dhan ka dabar goayey, Soomaaliya, ethiopia, Romania iyo burburkii midowgii Soofiyeeti isku waqti bay ahaayeen, dhamaantood ma Isaaq baa kiciyey? Maya waxay ahaayeen siisteem fashilmay oo maamul xumadiisii shacabkiisii u adkeysan waayeen, ilaa la gaadhay heer ay sharciga gacanta ku qaataan oo burburiyaan.

Faysal Cali Waraabe oo isaga lagu xanto inuu ka mid ahaa Basaasiintii Dawladii kacaanka, wuxuu weli si xun u aaminsan yahay sheekadii dhab ku sameyska ahayd ee loogu sheekayn jiray ee ahayd in Isaaq kiciyey Hawiye oo Dawladii iyo Daarood ku burburiyey.

Faysal sidaas aaminsan yahay waxaa umadda Soomaaliyeed u cadeynaya, maalin walba wuxuu ku hadlaa sheeko caruureed ilmaha dhashay fahmi karo oo uu isleeyahay, Hawiye iyo Daarood iskaga horkeen, isagoo had iyo jeer soo qaata Farmaajo, Cabdi Weli Gaas, Axmed Madoobe iyo weliba kilinka 5aad. Taas waxaa ka sii daran Cayda uu ku caayey Raiisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ahayd wixii calooshiisa ku jiray ee uu ka aaminsanaa Beesha Hawiye.

DAAWO CAYDII UU FAYSAL CALI WARAABE HAWIYE KU ODHAN JIRAY

Ma jirto wax lagu yidhaahdaa qof sidan oo kale khalad iyo quraafaad u aaminsan, laakiin waxaa haboon in Faysal Cali Waraabe 3 bilood Xamar tago, si looga soo jiniyo saaro khiyaaliga Madaxa u fadhiya, islamarkaana u arko dadka uu iska weyniisiinayaa sida ay uu wanaagsan yihiin, sidoo kale caqliga iyo xigmada ilaahay ku manaystay.

Waxaa layaab leh marka soo qaado Somaliland oo qabaail ka kooban wuxuu odhanayaa anagu Qabiilkayagu waa Somaliland oo weliba la ogyahay in aanay Uurkiisa ku jirin, qaar baa Daaroodka uu intaas ka hadlayo ah, laakiinse wuu u baahan yahay, Soomaali marka la soo hadal qaadona boqol qabiil inay u burburto ayuu ilaahay u baryayaa.

Faysal Cali Waraabe waxaa ka khaldan in Muqdisho cadowgeedu yahay ninkii Midnimada Soomaaliweyn muran geliya, dad la marin habaabin karona aanay ahayn.

Tan labaad ee Faysal moog yahay waa in sida uu u doonayo Somaliland midaysan, Hawiyena u doonayo Soomaali midaysan iyo nabadgelyo sidoo kale Caasimadii Soomaaliya ee Muqdisho oo lagu wada nool yahay.

Faysalow kaadhka qabaailka ee Soomaaliya horaa loo soo xoqday oo hada shaqayn maayo, waxaad caayeysaa maskaxda iyo garashada umaddo iska dhan, hadaladaada isirka ku salaysani cid kale waxyeeli maayaan ee waxay sii kala soocayaan shacabka Somaliland, Hawiye talo iyo hadal ugama baahna nin midnimadii Soomaaliweyn muran gelinaya, ilaa aad midnimada soo gashid labada qolo ee aad isku xoqdid isku si bay kuu arkaan.

Somaliland qabiil iyo qabyaalad uma baahna ee caqli iyo talo rasiin ah bay u baahan tahay horena loogu soo dhisay, nasiibdarada jirtaana shaashadihii siyaasada waxaa taagan Faysal iyo wax la garasho ah, waxaana sababta keentay colaadaha Somaliland ka taagan ee aan rajada laga qabin inay dhaqso u xalismaan.
caaqil khaalid muuse dhiil
CAAQIL KHAALID M MUUSE DHIIL

UK

NO COMMENTS