Dowladda Soomaaliya oo hal sano kadib magacawday Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka

Cali Shariif safiir us

Dowladda Soomaaliya ayaa sanad kadib waxay safiir cusub u magacaabatay safaaradda ay ku leedahay dalka Mareykanka.

Cali Shariif Axmed ayaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Mareykanka,waxaana uu booskaasi bannaanaa muddo sanad ka badan.

Cali Shariif ayaa horey wuxuu u soo noqday diblumaasiga ugu sareeya howlgalka dalka dhaca Geeska Afrika ee wadamadda Itoobiya iyo Faransiiska.

Safiirka cusub ayaa wuxuu bedelaya Axmed Ciise Cawad, kaasi oo haatan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka leh xeebta ugu dheer qaarada Afrika.

Cawad ayaa loo magacaabay Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyada oo aan la magacaabin beddelkiisa,waxaana magacaabistiisa ahayd billowgii sanadkii hore ee 2018.

Isaga oo xaqiijinaya in Cali Shariif loo dhiibay jagadaasi, wasiir Cawad ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Shariif uu dhowaan u socdaali doono Mareykanka.

Axmed Ciise ayaa xusay in Cali Shariif uu dhawaan u socdaalayo dalka Mareykanka islamarkaana hadda loo diyaarinayo Dukumiintiyadiisa diblomaasiyadeed iyo dal ku gal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here