Diyaaradda Itoobiya oo markii ugu horreysay ka degtay Garoowe

ethiopian airlines garoowe

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland markii ugu horreysay ka cago dhigatay diyaaradda Ethiopian Airlines.

Garoonka ayaa waxaa joogay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo dadweyn soo dhaweynayay diyaaradda.

Madaxweynaha Puntland ayaa bilo ka hor magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxda shirkadda Ethiopian Airlines, wuxuuna sheegay in uu heshiis la galay shirkadda, duulimaadna ka bilaabi doonto Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here