Diyaarad ciidamada Qatar oo dhaawicii gudoomiye Yariisow dibada u qaaday

qatar airforce mugadisho

Dhaawaca Guddoomiyaha gobolka banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa goor-dhaw laga duuliyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyadoo loo qaaday dalka dibaddiisa.

Diyaarad kuwa ciidamada ah oo ay leedahay dowladda Qatar ayaa dhaawaca Duqa Muqdisho iyo xubnaha kale ka qaadday garoonka Muqdisho, balse lama oga in lagu daweyn doono dalka Qatar iyo dalal kale loo sii qaadi doono.

Sidoo kale, Dhaawacyada ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha degmada Wardhiigley Saynab Xaabsay, waxaana la sheegay in dhakhaatiir fara badan ay la socdeen diyaaradda, si ay kaalmo caafimaad ugu fidiyaan Guddoomiye Yariisow haddii ay lasoo darsaan xaalado dhanka caafimaadka ah inta lagu sii jiro duullimaadka.

Afhayeenka Gobolka Banaadir, Saalax Cumar Xasan oo markii la qaadayay dhaawaca Yariisow la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Duqa Muqdisho lagu sameeyay laba qalliin oo kala duwan intii uu ku jiray isbitaalka Digfeer ayna xaaladdiisu soo hagaagayso.

Dhanka kale, Xaaladda Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa inta badan laga dayrinayaa iyadoo ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen qaybta sare ee jirka, waxaana tan iyo xalay dhaawiciisa lagula tacaalayay isbitaalka Digfeer ee Xamar.

Ma jiraan warar rasmi ah oo laga heli karo xaaladda caafimaad ee Yariisow, waxaana uu ka mid ahaa dhaawacyadii shalay soo gaaray xubno fara badan oo ka tirsan shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa la sheegay inay fulisay haweeney indhool ah, balse warkaan ayaan si dhab ah loo hubin, waxaana socda baaritaanno ku aaddan sidii loo ogaan lahaa sida uu qaraxaan u dhacay.

Ugu dambeyn, Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo laga hadlyay shirka amniga caasimadda, waxaana weerarkan sheegatay Al-shabaab oo dagaal kula jirta DF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here