Diyaarad ay saarnaayeen 71 rakaab ah oo ku burburtay dalka Nepal

nepaldiyaarad

Garoonka caalamiga ah ee Tribhuvan ee caasimadda dalkaasi Nepal ayaa waxaa ku burburtay diyaarad siday 67 rakaab ah iyo 4 shaqaale, sida ay shaaciyeen masuuliyiinta garoonkaasi.

Diyaaradda ayaa waxaa qabsaday dab kadib markii ay ka baxday wadada garoonka, iyadoona fariisatay barxad ka yara baxsan xeyndaabka halka ay diyaaraduhu soo cago dhigtaan.

Wali ma cadda khasaaraha soo gaaray rakaabka iyo shaqaalahaba, laahiin afhayeen u hadlay garoonkaasi oo lagu magacaabo Prem Nath Thakur ayaa sheegay in laga cabsi qabo in ay jiraan khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Diyaaradda ayaa kasoo kicitinta caasimadda Dhakaee dalka Bangladesh, waxaana ay kusii jeeday magaalada Kathmandu oo ah halka ay shilka ku gashay.

Masuuliyiinta garoonka ayaa aaminsan in diyaaradda oo ay laheyd shirkadda US-Bangla ay cilad ku dhacday xilligii ay dageysay.

NO COMMENTS