DHAGEYSIGA DACWADA LOO HEEYSTO CABDI MAXAMUUD CUMAR OO BILAABANTAY

cabdi iley xarig

Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maxkamad halkaasi ku taala ay biloowday dhageysiga dacwada loo heysto Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar.

Maxkamada ayaa mar hore muddo 14-cisho ah dib u dhigtay kiiska dacwada loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar, iyada oo dib maanta u bilowday.

Maxkamada ayaa hadda ay si toos ah u dhageysaneysa marqaatiyaal kala duwan oo sheegaya in Cabdi Maxamuud Cumar uu galay dambiyo kala duwan.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa loo heystaa dilal, xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed, iyo eedeeymo kale.

Ciidamada dowlada Itoobiya 27-dii bishii Agoosto ayaa xabsiga u taxaabay Cabdi Maxamuud Cumar.

Hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhawaan sheegtay in wiilkeeda jirdil baahsan loogu geeysto gudaha xabsiga iyada oo sheegtay in gudaha xabsiga uu ku xanuunsanayo.

Maxkamada ayaa laga yaabaa in ay ku xukunto xukun aad u aad u adag sida ay sheegayaan dad arimahaan si dhow u la socda.