Dawlada Soomaaliya oo isbedel ku samaysay qaabkii ay xujaydu u heli jireen fiisaha xajka

wdas Sh nuur m xasan

Dawlada Federaalka ee soomaaliya ayaa u dhawaaqday isbadal ay ku samaysay qaabkii ay xujaydu u heli jireen fiisaha xajka.

Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay nidaam lagu kaydinayo xogta xujaajta soomaalida ah oo ay wasaaradiisu diyaarisay.

Wasiirka oo ka hadlaya isbedelka ku yimid habka lagu heli jiray fiisaha xajka ayaa waxa uu yidhi “Sanadkan xajka Soomaaliya waxa uu noqon doonaa mid casri ah, markii hore baasaaboorka Xujaajta Soomaalida waxa loo qaadi jiray dalka Kenya, waana la dareemi karaa dhibaatada ka iman karta ilaa 9300 oo baasaaboor, kuwaas oo qaarkood lumi jireen qaarna wakhtigu ka dhici jiray, sanadkan waxay kaga duwanaan doonaan, fiisaha waxa lagu daabici doonaa xafiiska wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta, waana guul u soo hoyatay Soomaaliya oo dhan.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “sidoo kale wasaarada waxay soo kordhisay dakhli ay u xaraysay dawlada kaas oo sanadadii hore aan la heli jirin anaga oo abuurnay nidaam lagu xaraynayo xogta xujaajta soomaalida ah oo dhan, iyada oo la xusayo meelaha uu qof waliba ka soo xajay haday gobolada tahay iyo haday caasimada tahayba”

Wasiir Sheekh Nuur ayaa soo bandhigay waxyaabaha uu xajka sanadkani kaga duwan yahay sanadadii hore “Sanadadkan xajku waxa uu uga duwan yahay soomaalida iyada oo wasaarada awqaafta soomaaliya ay heshiis rasmi ah la gashay wasaarada xajka ee dawlada sucuudiga, waxaanan ku guulaysanay inaanu kordhino tirada xujaajta soomaalida ah markii hore waxay ahayd 9300 halka sanadkan aanu ka soo dhignay 11500, waxaanan furnay tartan loo qabtay shirkadaha qaadanaya xujayda soomaalida, waxaana ku guulaystay 58 shirkadood oo loo sii qaybiyey 11 kooxood kuwaas oo ka shaqayn doonaa adeega xujayda soomaalida ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here