Dagaal markale maanta ka qarxay degaano ka tirsan Somaliland

ceelafweyn

Wararka naga soo gaaraya deegaanada Ceel-Afweyn ayaa sheegay in uu maanta uu markale dagaal ka qarxay degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Dagaalkan ayaa waxa uu dib uga dhex qarxay labo beelood oo mudooyinkii u dambeeyay isku dagaalsanaa deegaanada degmada Ceel-Afweyn, kuwaasi oo colaadooda mudooyinkii u dambeeyay soo cusboonatay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ilaa hadda ay ku geeriyooden labo qof, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, inkastoo si dhaba loo ogeyn baaxada khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo hadda lagu soo waramayo inoo socdo.

Ciidamada Booliska Somaliland iyo Maamulka Gobolka Sanaag ayaa sidoo kale waxa lagu soo waramayaa inay ku howl-yahiin sidii loo damin lahaa xiisadan dagaal ee dib uga dhex qaraxday labada beel ee wada dagan degmada Ceel-Afweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here