Dadkii ku dhintay weerarkii Kismaayo oo la shaaciyey ajaanib ka mid ah iyo shaqsiyaadkii ugu caansanaa

dadkii ugu caansanaa ee weerarkii kismaayo ku dhintay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

War lagu daabacay Bogga Facebook ee Madaxweynaha Jubaland ayaa lagu sheegay in weerarkii Kismaayo ay ku dhinteen 26 qof, 56 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay waxaa kamid ah  Hodan Naleeyeh oo ah gabar saxafiyad ah haysatayna dhalashada Canada oo ay dhowaan kasoo laabatay ayaa ku geeriyootey dhacdadaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inseygeeda, Fariid Jaamac, kaasi oo wasiir kasoo noqdey Puntland ahaana ganacsade uu kamid noqday dadkii ku baxay mashaqadaasi.

Marxuumadda ayaa ah aas-aasaha muuqaal-baahiyaha Integration TV kaasi oo ka warama arrimaha maxaliga ah ee dalka iyo qurba joogta Soomaaliyeed.

Hodan ayaa ku dhalatay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool 1976-dii, waxaa la dhashay 4-wiil iyo 7-gabdhood.

Hodan Naaleeye iyo Qoyskeeda waxa ay Canada galeen 1984-tii, iyaga oo saldhigtay Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta.

Waxbarashadeeda hoose waxa ay ka baxday West Humber Collegiate Institute, halka University of Windsor ay ka qaadatay Shahaada Bachelor-ka, iyada oo ka baratay Farshaxankta iyo Xiriirka.

Waxa ay ahayd qof ku firfircoon baraha Bulshada, waxaana ay ku lahayd dad badan oo ku xirnaa baraheeda.

Hodan iyo Seygeeda waxa ay muddooyinkii dambe ku noolaayeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Maxamed Sahal Gacmadheere, wariye ka tirsanaa talafishinka SBC isla markaana fadhigiisu yahay magaaladda dekadda leh ayaa isna la sheegay in uu kamid noqdey murxuumiinta.

Deeq Ciise Cabdulle, oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bini’aadanimadda ayaa dhankiisa ku jira dadka ku naf-waayey Is-miidaamintaasi. Si lamid ah nabadoon ayuu galaaftey weerarka.

Dadka kale ee ku dhintay weerarkaas waxaa ka mid ahaa Ganacsade lagu magacaabi jiray Arbacow Rukun,waxaa kale oo dadka dhintay ka mid ahaa  Deeq Ciise Wabi oo u shaqeynayay Hay’ad aan dowli ahayn.

Sidoo kale waxaa weerarka Hotelka Cas casey ku dhintay Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ka mid ahaa musharrixiinta xilka madaxweynaha doorashada Jubaland.

Waxaa kale oo weerarkaas ku dhintay Mahad Cabdullahi Nuur (Garguurte) oo ka dhashay qoys Ganacsiga caan ku ah islamarkaana deggan Tanzania,waxaa isaga iyo ganacsato u kala dhashay China iyo Tanzania u tageen Kismaayo in ay qiimeyn ku sameeyaan Ganacsi ay maalgashan karaan, mid ka mid ah dadka u dhashay China ayaa ka mid ah dadka dhintay.

Dadka weerarka Hotelka ku nafwaayay waxaa ka mid ah Nin magaciisa lagu sheegay Ina Cigaal Shidaad oo Kismaayo u joogay arrimaha doorashooyinka Odayaasha dhaqankana ka mid ahaa.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Ajaanib u kala dhashay dalalka kala ah;

Kenyan 3 qof.

Canadian 1 qof.

British 1 qof.

American 2 qof.

Tanzanian 3 qof.

China 2 qof, dhaawac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here