Dad badan oo ku dhintay booyad shidaal oo ku qaraxday Tanzania

map tanzania

60 qof ayaa geeriyootay halka 70 kalena ay dhaawacyo culus gaareen kaddib markii booyad nooca shidaalka qaada ah uu dab ku qabsaday deegaanka Msamvu Itigi ee gobolka Morogo.

Magaala xeebeedka uu booyada dabka ku qabsdaay ayaa waxa ay ka tirsan tahay gobolka bartamaha ee waddanka Tanzania, waxa ayna qiyaastii 3 saacadood u jirtaa caasimadda maamulka dowladda ee Dodoma.

Taliyaha booliska gobolka Morogoro, Wilbroad Mutafungwa oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay goobta ka qaadeen meydadka 57 ruux.

Sawirro lasoo galiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burburka booyada gubatay iyo meydad dhulka yaalla.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka ay isku dayayeen inay boobaan shidaalka saarnaa gaariga, oo rogmaday, ka dibna uu qarxay.

Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday dhacdadan oo BBC-da la hadlay ayaa yiri: “Aad baan u yaabay markii aan maqlay qarax culus. ka dib waxaa jiray dhaqdhaqaaq, dadku waxay billaabeen inay dhinac walba u cararaan. aniga dhulka ayaan ku dhacay, waad u jeeddaa garaafada ku taalla jilbaheyga. waxaan arkay dad shidaalka u dhaansanaya sida biyaha”.

Gobolka Morogoro ayaa qiyaastii 200 km u jira magaalo xeebeedka ku taalla galbeedka dalkaa ee Dar es Salaam.

Magaalada uu shilkan ka dhacay ayaa marin muhiim ah u ah gaadiidka waaweyn ee shidaalka kasoo qaada dekedda Dar es Salaam, oo ah magaalada ganacsiga ee waddankaas.

Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu ay sare u sii kacdo.

“Xaaladdu runtii aad bay u xuntahay. dad badan ayaa dhintay, halkan xitaa dadkii aan boobka sameyneynin ayaa dhintay, sababtoo ah meeshan aad bay mashquul u tahay”, sidaas waxaa yiri goob jooge lagu magacaabo Daniel Ngogo, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wariyeyaasha ku sugan halkaas ayaa sheegaya in musiibooyinka noocan ah ay ku badan yihiin qaaradda Afrika, iyadoo dadkuna ay khatar weyn ugu bareeraan inay shidaalka ka qaataan booyadaha qallibmay.

Bishii lasoo dhaafay, ugu yaraan 45 ruux ayaa ku dhintay booyad ku qaraxday gobolka Benue ee waqooyiga dalka Nigeria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here