Daawo sidii Ciidamada iyo Xukuumadda Somaliland ay Boqor Burhaan ugu soo dhoweeyeen Gobolka Sool

boqor burhaan iyo somaliland1

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ka naxsaday shacabka Puntland iyo Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn kadib markii ay ku war heleen isagoo oo ay soo dhoweynayaan Ciidamada iyo Xukuumadda Somaliland, islamarkaana uu dhaafay Ciidamadii Puntland.

Waxaa Boqorka Somaliland ku soo dhoweeyey Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali iyo Saraakiisha Ciidamada Somaliland.

Wasiirku wuxuu yidhi “Waxaad ku soo dhowaataa Dawladda Somaliland, Ciida Somaliland, aniga oo Wasiirkii Wasaarada Biyaha ayaa halkan kuu fadhiya, waxaynuna geli doonaa Laascaanood Insha allaahu, xabad iyo nabadgelyo dambena halkan ayaa kuugu dambeysa, ku soo dhowow Boqor ciidaadii, adigoo Madaxdhaqameed ah”.

Boqorka Burhaan ayaa ku jawaabay “Waad Mahadsan tahay”.

Waxaa dad badani isweydiinayaan xabadda iyo nabadgelyo daradda Boqorku ku haysatay Puntland iyo sababta uu u danaynayey inuu la kulmo Somaliland, iyadoo shacabka SSC ay aad uga xumaadeen, islamarkaana ay saameyn doonto.

Socdaalka Boqorka iyo la kulanka Somaliland ayaa laga yaabaa inay sameyn ku yeelato qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxtinimada Puntland oo la filayo inay qabsoonto 8 Jan 2019.

DAAWO SIDA XUKUUMADDA SOMALILAND U SOO DHOWEYSAY:

boqor burhaan iyo maxamed kaahin
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin
boqor burhaan iyo somaliland1