Ciyaartoy caan ka ah Turkiga oo booliisku su’aalo waydiiyeen

Arda Turan

Ciyaartoyga caanka ka ah dalka Turkiga Arda Turan ayay booliiska Turkigu su’aalo waydiiyeen, iyadoo la hadal hayo in uu sanka jabiyay heesaa caan ah.

Muranka la sheegay in uu dhex maray ciyaartoyga iyo fannaan Berkay Sahin ayaa horraantii toddobaadkan ka dhacay goob habeenkii lagu caweeyo oo Istanbul ku taalla, sida ay ku warrantay warbaahinta turkiga.

Turan oo 31 jir ah ayaa muddo saddex saac ah su’aalo lagu waydiiyay xarun booliis ka dibna waa la sii daayay, sida uu daabacay wargeyska Hurriyet ee maalin walba ka soo baxa dalka Turkiga.

Ciyaartoygan khadka dhexe ka dheela ayaa amaah ahaan ugu dheela kooxda Basaksehir isaga oo kaga yimid dhanka Barcelona.

Wuxuu sidoo kale u dheela xulka qaranka ee Turkiga.

Labadan nin ayaa la sheegay in ay isku maandhaafeen goob lagu caweeyo oo ku taalla deegaanka Emirgan ee magaalada Istanbul toddobaadkii hore.