Ciidanka Booliiska oo digniin culus ka soo saaray amaanka Muqdisho

taliye xigeen zekiya

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiyo Xuseen Axmed ayaa soo saartay digniin la xariirta amniga magaalada Muqdisho.

Zakiyo oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Facebook-ga ayaa sheegtay in maanta oo ah 18-07-2019-ka laga bilaabo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Banaadir laga mamnuucay dhigista baabuurta.

Sidoo kale waxa ay ka dalbatay wadayaasha gaadiidka in ay feejignaan dheer ka yeeshaan goobaha ay dhigayaan gaadiidkooda.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ayaa intaasi ku dartay ciddii u hoggaansami weyso amarkan in gaariga ay kala wareegi doonaan hay’adaha amniga.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada ee mararka qaar ka dhaca gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka:

DIGNIIN; Danta amniga awgeed laga Bilaabo manta taariikhdu tahay 18/07/2019 waxaa G/Banadir gaar ahaan wadooyinka halbowlaha ah laga mamnuucay dhigista baabuurta (parking). Muwadininta G/Banadir waxaa ka codsaneenaa in fejignaan dheer ka yeeshaan goobaha baabuurtooda dhigtaan. Waxaana lagu wargelinayaa in baabuurkii meel la iska dhigo ay heyadaha amniga la wareegi doonaan. Hadaba muwaadin la shaqey heyadaha amniga si aan dhammanteen u shacabka uwada badbaadino. Baabuurkii aad ka shakisid fadlan wac 991 kuna wargeli ciidanka amniga.
#Mogadishu #SPF991

Ammaanka Muqdisho oo ay haatan si weyn u sugayaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo iyo dilal ay geystaan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here