Ciidamada Xoogga oo jab culus gaarsiiyey Shabaab iyo xogta dagaalka Awdheegle

farmaajo tababar ciidan turksom 24072019 1

Mid ka mid ah dagaaladii ugu adkaa oo ay galaan ciidamada Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Awdheegle gobalka Shabeellada Hoose, waxaana la sheegayaa in uu khaasaare badan ka soo gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa muddo isku abaabulayay baadiyaha degaanka Xawaadley ee gobalka Shabeellada Dhexe ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in shalay iyo ilaa xalay ay halkaasi isku abaabuleen islamarkaana ay xoolo ku qasheen.

Dagaalamayaasha Shabaab ayaa dhowr geel ah loogu qalay Xawaadley islamarkaana ay halkaasi ugu khudbeeyeen hogaamiyaal ka tirsan Al-Shabaab oo uu kamid yahay guddoomiyaha Al-Shabaab Shabeellaha Dhexe Sheekh Yuusuf Ciise Kabo-Ku-Tukade, sida ay sheegeen xubno katirsan wasaaradda difaaca soomaaliya.

Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka oo ku sugan Awdheegle ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 50 dagaalame oo Al-Shabaab ah islamarkaana ay nolasha ku qabteen in ka badan 10 dagaalame.

Ciidamada milateriga Soomaaliya oo ka war-hayay dagaalkaan iyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa la sheegay inuusan jiran khasaare wayn oo soo gaaray marka laga reebo dhimashada tiro ka yar 5 qof iyo dhaawaca gaaraya in ka badan 10 askari.

Ilo wareedyo ka madax banaan dhinacyada dagaalamaya ayaa qaar ka mid ah saxaafada u sheegay in Al-Shabaab ay la kulmeen khasaare xoog leh kadib markii ay u diyaar-garoobeen milateriga Soomaaliya oo kasii war-helay inay dagaal soo yihiin.

Dhinaca kale taliyaha, ciidanka lugta ee xoogga dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay iska caabiyeen weerar kaga yimid dhanka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in meydadka raggii weerarka soo qaaday oo aan xisaab laheyn ay daadsan yihiin degmada Awdheegle, sida uu hadalka u dhigay.

Odawaa ayaa sidoo kale xusay in ciidamadu ay nolosha ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan degna, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Danab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here