Somaliland iyo Puntland oo dagaal adagi ku dhexmaray Aaga Tukaraq

puntland iyo somaliland

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka degaanku Ciidamada Puntland ayaa xalay weeraro hawlgal ah ku qaaday qaar ka mid ah fadhiisimada Ciidamada Somalilandku leeyihiin Aaga Tukaraq.

Dagaal ay labada dhinac isku dhaafsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa socday mudo hal saac ka badan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ee jiidda Tukaraq ayaa xaqiijiyay in weerarka lagu qaaday Talis ay leeyihiin militariga Somaliland oo ka durugsan furinta (Aaga) hore.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo laga hayo khasaaraha kala gaadhay labada dhinac, sidoo kalena Puntland iyo Somaliland midna weli kama hadlin.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii dhowaan Puntland Cumar Faraweyne oo lagu tiriyo xubnaha ay ka goantahay dib u soo celinta Sool loo magacowday Taliyaha Ciidamada Kaydka ah Puntland, iyadoo weerarkani uu u muuqdo isbedelka uu ku sameeyey qaabkii dagaalka.