CIIDAMADA PUNTLAND OO BURBURIYAY SALDHIGYADII AL-SHABAAB EE BUURALEYDA CALMADOW

PSF puntland

Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Puntland (PSF), ayaa  hawlgal ay ka fuliyeen buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari, waxay ku burburiyeen saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen kooxda Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay taliska PSF ayaa lagu sheegay in hawlgalka oo laga fuliyay degaannada  Dhagax-dhaabur, Madarshoon iyo Ceel-qaraar oo dhammaantood ka tirsan buuraleyda Calmadow, in lagu gubay godad ay Al-shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka, islamarkaana looga burburiyay saldhigyo ciidan.

Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, PSF ayaa sheegay in ay wadada isku xirta Galgala iyo tuulada Madarshoon ka saareen, miinooyin ay halkaasi ku aaseen malayshiyaadka Al-shabaab “Intii hawlgalkani socday ciidanka PSF waxay ku guulaysteen in ka saaraan waddada isku xirta Galgala iyo Madarshoon miinooyin ay ku aaseen halkaas cadowga Al Shabaab”

Taliska ayaa ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan, hawlgallada ka dhan ka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraleeyda Gobolka Bari ee Puntland “Ciidamada PSF waxaa ka go’an in ay sii wadaan hawlgallada lagu bartilmaameedsanayo kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish”.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here