BEESHA DHULBAHANTE OO QAADACDAY DOORASHADA PUNTLAND ILAA LAGA XOREYNAYO GOBOLKA SOOL

isimada ssc

Beesha ayaa goaansatay inaan Doorashada Puntland laga qaybgelin ilaa laga xoreynayo Gobolka Sool iyo degaamada kale ee ay Somaliland xooga ku haysato, iyagoo cadeeyey in aanay Somaliland ka mid ahayn,

Qaadacaadan waxaa goordhow magaalada Garoowe kaga dhawaaqi doona ISIMADDA Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo saxaafada u soo gudbin doona.

Arintani waxay dhabarjab ku tahay Musharaxiintii Puntland ee dagaalka daba hayey iyo Xukuumada Somaliland oo ku fashilantay Goboladaas, waxaana la saadaalinayaa in degaamo hor leh ay ka bilaabanto colaado iyo dagaalo.

Goaankan ay Beesha Dhulbahante qaadatay ayaa noqonayaa kii ugu fiicnaa ee ay mudooyinkii ugu dambeeyey qaataan, wuxuuna meesha ka saarayaa in mar dambe degaamadooda doorashada lagu galo dabadeedna balanta lagaga baxo.