Balanqaadkii Muuse ee Biyaha Laascaanood VS kan Deni ee jidadka Taleex iyo Boocame

0
muuse iyo deni

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa 1 ogosto meel fagaare ah ka balanqaaday inuu sanadka gudihii dhagaxdhigi doono wadooyin isku xidha Garoowe iyo Taleex, sidoo kale Garoowe iyo Boocame, kuwaas oo haddii ay dhaboobaan wax weyn ka bedeli doonta nolosha shacabka degaamadaas ku dhaqan, waxayna ka qiimo badnaan doonaan mashaariicdii 28 sano ay Somaliland ka fulisay degaamada SSC.

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa horey u balanqaaday inuu magaalada Laascaanood Biyo ku filan oo wanaagsan gelin doono, Bishii Apriil Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf C Koore, ayaa Laascaanood ka sheegay inay diyaariyeen 5 milyan oo mashruucana lagu bilaabo doono oo ceelasha lagu qodi doono, isagoo ku daray in mashruuca ay dhamaan Dawladu hirgelin doonto.

Wax marba shacabka la maaweeliyoba dabayaaqadii 29 Juun 2019 Wasiir Koore gelinkii ee maalinimada meel fagaare kaga celiyey inay Somaliland ku taagan tahay balanqaadkeedii hore, shacabka Laascaanoodna uu galabta kala srinsan doono sidii mashruuca loo hirgelin lahaa, nasiib daro xiligii shirka laga sugayey ayaa laga war helay inuu si hoose loogula heshiiyey qaar kamid ah koox baratay inay Hantida shacabka ku dhacdo qorshaha UND ee Tripple P loo yaqaano.

Tripple P waa qorshe hantida Guud dad gaara loogu gacan gelinayo, ma jirto nidaam xisaabeed oo lagu ilaaliyaa, marba kooxda la siiyo ayaa iska yeelata, iyadoo nidaamkan musuqmaasuq ay sahlaan Masuuliyiinta Dawlada, oo lgu xanto in loo qoodeeyo sheerar dad qaraabado ah ama ay ku kalsoon yihiin loogu qoro.

Halkii Sheerka biyaha Laascaanood waa 7000 oo doollar, aduunka kama jirto meel halkii sheer todobo kun yahay, Shirkadda Microsoft sheerkeedu waa 136 dollar. Waa boob loogu talo galay in hantida guud kooxi ku dhacdo, waxay ahayd in marka hore qarashka mashruuca dawladu qiimeyso, dabadeedna sheerka 2 doolar laga dhigo si shacabku uga wada qayb qaato oo u bartaan wax wada lahaansha.

Arintani waxay lumisay kalsoonidii ay shacabka Laascaanood ku qabeen balanqaadkii Madaxweyne Muuse Biixi.

Balanqaadka Jidadka ee Madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni waxay noqon doonaan tijaabadii ugu horeysay ee shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ay ku qiimeyn doonaan balamihii faraha badnaa ee uu qaaday ee ku saabsanaa degaamada SSC, ama ay la mid noqon doonaan balanqaadkii Biyaha ee Somaliland oo hadda rajadiisii soo yaraanayso.

DAAWO WASIIR KOORE:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here