Akhriso xaqdarada Somaliland qaybtii ay Degaamada SSC ka siisay deeqdii Waxbarasho ee Itoobiya iyo qaybinta Puntland

madaxtooyada somalilnad

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ANIGU KU SHEEGI MAAYO EE YAAN CAMALKAAGU KU SHEEGIN, Somaliland waxay ku faantaa inay cadaalad iyo sinaan ku dhaqanto, waxay kaloo ku doodaan in danta Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ay ku jirto Somaliland oo aan Puntland waxba u ogolayn.

Laakiin Xaqiiqada dhabta ahi waxay kaaga muuqanaysaa qaybteeda, haday tahay Goleyaasha, Xisbiyada iyo deeqaha, Somaliland deeqdii Waxbarsho ee Itoobiya siisay Gobolada Sool, Saanag iyo Cayn waxay ka siisay 5 arday.

Hoos ka akhriso isbarbar dhiga sida ay Somaliland iyo Puntland u qaybiyeen deeqo waxbarasho oo Itoobiya.

Siday Somaliland u qeybisey 300 arday ee deeqda waxbarasho ee Ethiopia siisey:

Hargeysa 190 ardey, Boorame 40 ardey, Gabiley 37 ardey, Burco 20 ardey, Sanaag 8 ardey, Sool 5 ardey.

Siday Puntland u qeybisey 300 Arday ee deeqdii wax barasho ee ey ka heshey Ethiopia:

Nugaal 60 ardey, Barri 60 ardey, Mudug 60 ardey, Laascaanood 30 ardey, Buuhoodle 10 ardey, Xudun 10 ardey, Taleex 10 ardey, Badhan 20 ardey, Dhahar 20 ardey, Ceerigaabo 20 ardey.

Xigasho Qarannews