Agaasimihii guud ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland oo xilkii iska’casilay

Agaasimihii guud ee wasaaradda Caddaaladda Somaliland, Xuseen Maxamed Maxamuud ayaa Arbacada maanta ah xilkii iska’casilay,kadib markii lagu bahdilay munaasabad xadhiga looga jarayey xabsi laga hirgeliyay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Muuqaal laga soo duubay munaasabadda xadhig-jarka xabsiga Burco oo la soo geliyay baraha bulshada, ayaa laga arkayaa taliyaha ciidamada Asluubta Somaliland Gen Maxamed Cismaan Xudhuun oo agaasimaha ku leh”shut up”(naga aamus),waxaana xilligaasi taliyuhu hor taagna madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Agaaasimaha ayaa daqiiqado kadib, shir jaraa’id oo uu qabtay ka shaaciyay, in uu iska’casilay xilkii wasaaradda,isagoo sheegay,in Somaliland mustaqbal madow ku soo wajahanyahay oo ay haadaan ka sii dhacayso,sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in go’aanka is’casilaadda uu u qaatay, kadib markii uu arkay, in Somaliland ay burbur ku socoto,islamarkaana ay gacanta u gashay koox uu ku tilmaamay”ciil-qabayaal” oo doonaysa in ay ka aar-gudato cid kasta oo maalin wax ka sheegtay ama wax ka qortay.

DAAWO CAYDII TALIYAHA: