XISBIGA WADDANI GARABKA CIRRO OO CADEEYEY INAY XOGHAYE UURCADE KU HAYSTAAN SOOMAALIDIIDNIMO (Jawaabtii Raiisalwasaare Kheyre)

xuseen axmed caydiid

Garabka Cabdiraxmaan Cirro ee Xisbiga Waddani oo faahfaahin ka bixinaya sababihii keenay khilaafka Xisbiga Waddani ayaa cadeeyey inay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade ku haystaan Jawaabtii uu siiyey Raiisalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo si kulul u sheegay in Somaliland tahay Maamul Goboleed Somaliya ka tirsan, isla markaana aanay xaq u lahayn inay heshiis la gasho Itoobiya iyo Shirkadda DP World.

Hadalka Soomaalidiidnimada ah ee Xoghayaha Guud loo haystay ayaa ahaa jawaab kulul oo uu siiyey Raiisalwasaare Kheyre, isagoo sheegay in Somaliland tahay dal xor ah oo madaxbanaan, heshiiska dekeda Berbera iyo DP World ay u taalo Somaliland, islamarkaana isku raacsan yihiin Goleyaasheeda iyo Xisbiyadeeduba, laakiin jawaabtaas Soomaalidiidnimada ee Uurcade u jeediyey Raiisal Wasaare Kheyre waxay si xun uga cadheysiisay Garabka Waddani ee Gudoomiye Cirro, iyagoo markiiba si kale uga jawaabay, qaar ahaan Ismaaciil Buubaa oo cadeeyey in Hogaanku ku mashquulsan yahay talaabadii Uurcade laga qaadi lahaa, iyo Cirro oo si kale uga hadlay, islamarkaana aan soo hadal qaadin hadalkii Raiisalwasaare Kheyre ee ahaa in Somaliland tahay Maamul Goboleed ka tirsan oo aan kheyraadkeeda heshiis ka geli karin, ilaa Muqdisho soo ogolaato.

HADALKA SOOMAALIDIIDNIMADA AH EE GARABKA CABDIRAXMAAN CIRRO UU UURCADE KU EEDEEYEY WAXAA CADEEYEY XUSEEN AXMED CAYDIID OO QORAAL HADHWANAAG NEWS KU SOO BAXAY KU SHEEGAY INAY XOGHAYAHA GUUD XILKA KAGA QAADEEN JAWAABTII UU SOOMAALIYA SIIYEY (RASIISAL WASAARAHA SOMALIYA KHEYRE).

naciima uurcade
Naciimo Soomaalinimo 3 sano, Uurcade Soomaalidiid eedaysane

WAXAA YAAB LEH SHARCIGA SOMALILAND MAANTA HARGEYSA WAXAA 3 SANO XADHIG AH LAGU XUKUMAY GABADH LAGU EEDEEYEY SOOMAALINIMO OO MAGACEEDA LA YIDHAAHDO NACIIMA AXMED IBRAAHIM, DHANKA KALE XOGHAYAHA GUUD EE XISBIGA WADDANI MAXAMED CABDILAAHI UURCADE WAXAA GARABKA CIRRO KU EEDEEYEEN SOOMAALIDIID, KADIB MARKII UU U JAWAABAY RAIISAL WASAARAHA SOOMAALIYA OO DIIDAY QARANIMADA IYO MADAXBANAANIDA SOMALILAND, MIYAANAY U EKAYN MISKIIN BAA MISKO LA FUULO LEH.

HALKAN KA AKHRISO HADALKII XUSEEN AXMED CAYDIID. AMA HOOS KA DAAWO SAWIR AAN IDIINKA SOO QAADNAY FAAHFAAHINTII GARABKA CIRRO.
xuseen axmed caydiid1

NO COMMENTS