Xaalada Laascaanood iyo sidii maanta ay wax uga dhaceen (Sawiro)

gabadh dhaawac ah khaatumo

Waxaya ahayd abaaro 9:30 Am ayaa bartamaha suuqa magaalada Laascaanood ka bilowday rabshado kuwaa oo sababay in Laba dumar ah uu dhaawac soo gaadhey kadib markii ciidamada Somaliland rasaas ooda kaga qaadeen suuqa weyn ee magaalada Laascaanood.

Rabshada ayaa la sheegayaa inay bilaabatay kadib markii ay is af dhaafeen askar Somaliland ah iyo wiil dhalinyaro ah oo watey baabuur nooca raaxada ah.

“Laba baabuur ayaa suuqa soo istaagey waxay adeeg u raadinayeen ciidamada Somaliland kadib wiil baabuur watay ayaa soo ag istaagey, naga dhaqaaq ayay dhaheen, wiilkii wuu diidey kadibna inay gacan saaraan bay damceen, shacabkii suuqa ku ganacsanayey ayaa shiid iyo gacan qaad ku bilaabay, kadib rasaas ayay fureen laba dumar ah ayay ku dhacday”, ayuu yiri goob-jooge diiday in magaciisa diidey xuso.

Labadan hablood ayaa magacyadoodu kala yihiin: Sacdiya Xirsi Cabdilaahi iyo Shugri Cabdilaahi Ducaale, waxaana hadda lagu dabiibayaa Cusbitaalka Manhal.

Shacabka ayaa markii danbe waxay bilaabeen inay la soo baxaay qoryo ku waasoo rasaas ridey iyaguna, laakiin Ciidamadii ay suuqa ka yaacay.

Laba qof ee dhaawaca ah ayaa la geeyey Cusbitaalka adeega wacan ee Lasanod Manhal Hospital a waxaana la ii sheegay in wax looga qaban kari waayey magaalada loona baahday in la qaado hase ahaatee muran xoogan ayaa ka taagan meesha loo qaadayo.

Dadka shacabka ah ayaa isku gadaamey xarunta caafimaad ee lagu dabiibayo labada qof kuwaasoo sheegay in dhaawaca loo qaadayo magaalada Garoowe, halka maamulka Somaliland uu ku adkaysanayo in loo qaado Hargeysa.

Dhinaca kale, Waxaa jira iyana kacdoon xoogan oo dhinaca shacabka kuwaa oo markii danbe isu bedelay in laamiyada la guboy, dhacdadan ayaa dhabarjab kale ku sii noqonaysa Maamulka Madaxweyne Muuse Biixi oo beryahanba ay soo muuqanaysay kalsooni darada uu kala kulmay Degaamada SSC.

NO COMMENTS