Wadahadal khatar ku ah Somaliland oo u bilowday Soomaaliya iyo Imaaraadka

w arimaha dibada cawad

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in uu jiro wada-hadal toos ah oo u bilowday dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka oo ka mid ah wafdigii madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeyb galaya shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in madaxda labada dhinac ay wada hadlayaan.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda siyaasadeed ee labada dal ay sii xumaaneysay maalmihii u dambeeyay, islamarkaana ay iska ashtakeeyeen ilaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wadahadalkan ayaa ah khatartii ugu weynayd ee Somaliland soo wajahday mudadii dheerayd ee gooni isutaaga aqoonsi la,aanta ah, iyadoo haddii ay heshiiyaan Soomaaliya iyo Imaraadku ay khatar tahay inuu Meesha ka baxo heshiiskii Dekeda Berbera ee Somaliland, Itoobiya iyo shirkada DP World.

Haday suurtagal noqoto guuldaradan siyaasadeed iyo dhaqaale ayaa noqonaysa hamigii uu Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani mudada dheer ku taamayey, taasoo geyeysiisay inay labo garab u kala jabaan, kadib markii Xogahayaha Guud lagu eedeeyey inuu taageeray maalgashiga Berbera iyo Heshiiska 3 geesoodka.

DHAGEYSO WAREYSIGA WASIIR CAWAD:

NO COMMENTS