(SAWIRO) WEFTI KA SOCDA XUKUUMADA SOMALILAND OO LAASCAANOOD GAARAY IYO ISXAMBAARKII OO LAGA RAYSTAY

isxambaar fashilmay dhalinyaro

Magaalada Laascaanood oo uu dagaalka Tukaraq saameynta xoog leh ku yeeshay, ayaa waxaa gaaray wefti dhalinyaro ah oo ay hogaaminayaan Taliyaha madaxweynaha Somaliland ee arimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdulqaadir iyo Guddoomiye ku xigeenka hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka raashinka SL Faysal Aw Jaamac Xirsi (Xawte).

Weftigan ayaa bedelay weftigii hore ee Isxambaarka ahaa ee uu hogaaminayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland kuwaas oo ceebtii iyo fashilkii ugu weynaa Somaliland uga soo hooyey Magaalada Laascaanood.

FalaLkoodii iyo maamul xumadoodii ayaa keenay kacdoono sababay in indhaha Beesha Caalamku ay si gaar ah diirada u saaraan degaamada SSC, islamarkaana ceeb weyn u soo hooyey Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaa xabsiyada lagu guray maanto farabadan, waxaa la soo rogay Lacago madaxfurasho ah oo qofka lagu sii deynayo, weriyeyaal, iyo cabudhis, shirarka iyo Warsaxaafadeedka, arimahan oo dhami waxaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu mujaahisnimada ku soo qaatay, maanta uma banaana inuu ku doono maanto ayaa la xidhxidhi jiray, ama dadka shacabka ah ayaa madaxfurasho lagu sii deyn jiray.

Tegista weftigan da yarta ah ayaa shacabka Laascaanood wax dareen xumaaneed ah aanay ka muujin oo la mid ah kii weftigii ka horeeyey ee Gobolka ku soo fashilmay rabshadana soo kiciyey.

Dhalinyaradan oo ilaa ciid Laascaanood ku sugnaan doona ayaa xalay lug ku maray suuqyada Magaalada ee Ciidka looga muraadsado, iyagoo dadweynaha kala qayb qaatay u diyaargarowga Ciidka.

Tegista dhalinyaradani waxay baajisay rabshado hor leh oo ka dhalan lahaa haddii kooxdii hore ee Baashe Maxamed Cadde hogaaminayey la diro, oo maanta ay magaalada Laascaanood tegi lahaayeen, waana arin nabadgelyada u fiican.

DAAWO sAWIRRADA IYO SUUQA KA DUKAAMAYSANAYA:

NO COMMENTS