NINA DHALASHO AYUU KUUGU DHIIDHIYEY INA DHUUNI BUU KUUGU DHAADHACAY (HALYEY CAAQIL HOOLIF)

beesha maxamuudG1 caaqil axmed hoolif

Caaqil Axmed Cabdi Gaas (Axmed Hoolif) ayaa raacay wadadii Cuqaashii Dhulbahante ee Jabkii Daraawiishta kadib, kuwaas oo ahaa jiil aad u wanaagsan oo xaalad adagna Dhulbahante ka soo saaray, iyagoo aan loola hawoon jirin in hunguri lagu soo jiito.

Caaqil Hoolif oo ay yar tahay nin ka da weyn oo degaamada SSC ku nool, ilaa iyo maalintii burburku dhacay marna kama leexan waxa ay doonayaan shacab Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

HALYEY Caaqil Axmed hadda waa duq, laakiin ilaahay baa caqligiisa u badbaadiyey, cimrigiina waa u dheereeyey oo caafimaad siiyey, si uu maanta oo kale dadkiisa u hogaamiyo, ugana hortago kuwa ku shaqaysta kala qaybinta shacabka.

Caaqilkii lacag soo qaatay ka dhamaatay, kii gaadhi soo qaatay ka xumaa, kii qayilay murqaankii ka bax, Laakiin HALYEY Hoolifna ilaahiis baa risiqiisa balanqaaday, isagoo nadiif ah ayuu dadkiisii iyo degaankiisii dhex joogaa.

Caaqil Axmed Hoolif wuxuu caan ku yahay maalmaha Beesha Dhulbahante xaaladeedu adagtahay inuu meel cad istaago, wuxuuna raacaa meeshii shacabku goaansado, runtana kama leexdo.

RUNTII HALYEY CAAQIL AXMED HOOLIF WAA HADHAA CUQAASHII DHULBAHANTE EE LA YIQIINAY

DAAWO QAAR KA MID AH WAQTIYADII ADKAA EE XUSUUSTA MUDAN OO CAAQIL AXMED HOOLIFF MOWQIFKIISA CADEEYEY:

CAAQIL KHAALID M MUUSE DHIIL

UK

NO COMMENTS