MADAXWEYNE MUUSE MA YAQAAN IN DHULBAHANTE IYO WARSANGELI DAAROOD YIHIIN? GOORMUUSE MARIN DOONA MEESHII UU ADEERKOOD AFWEYNE MARIYEY?

muuse laascaanood

Waxaa soo ifbaxaya in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu yahay in uu biyo dhigay naceybka iyo colaada Beesha Daarood, taasoo gaadhsiisan inkastoo uu Madaxweyne noqday heer uu qarsan kari waayo, oo uu markii ay qof ama maamul asal ahaan Daarood ka soo jeeda wax yar laysku qabto uu la soo booda WAXAAN IDIN MARINAYA MEESHII AABIHIIN AMA ADEERKIIN AFWEYNE (Maxamed Siyaad Barre) aan marinay, hadalkaas oo aan ahayn hadal Madaxweyne.

Hadalada iyo colaad abuurka noocaas ah maaha wax laga sugayey ama ku haboona Madaxweynaha Somaliland sababtoo ah:

1. Madaxweyne Muuse Biixi dalka uu sheeganayo ee uu Madaxweynaha ka yahay waxaa ku jira qabaail Daarood ah (DHULBAHANTE IYO WARSANGELI), kuwaasoo khudbadaha Muuse Biixi ee qabiilaysani ay meel ka dhac iyo sharaf daro ku yihiin, islamarkaana muujinaysa sida aanu Madaxweyne Muuse wax qadarin ah ugu haynin Beelaha Harti ee Somaliland wax ka dega, iyo qiimaha ay agtiisa ku leeyihiin.

2. Beesha Isaaq cida ugu badan ee ay deris, daaq-wadaag, guur iyo dhaqan wada leeyihiin ee ku xeerani waa DAAROOD, Madaxweyne Muuse Biixi oo lagu xanto inuu ka soo jeedo Kilinka 5aad qoyskuuda waxay degaan wada leeyihiin waa Daarood.

Labadan qodob ee kor ku xusan iyo masuuliyada balaadhan ee reer Somaliland oo dhami u dhiibteen waxaa loo baahnaa inay saameyn ku yeeshaan Madaxweyne Muuse oo uu qarsado colaada iyo nacayb uu u qabo beesha Daarood, inkastoo ay ka sii fiicnay tahay inuu iska dhaafo nacaybka.

XAGEE ISAAQ DAAROOD KAGA ADKAADAY?

Inkastoo Daarood iyo Isaaq ay dad deris ah oo isku xeeran yihiin, hadana ma jirto meel ay ku dagaalameen, laakiin waa jirtay Reero ka tirsan oo si gaar ah u dagaalamay, mana ahayn wax laysugu tegi jiray, Daarood dad hal meel isugu imaan kara maaha oo colaad reer ku gudoonsan kara, Isaaqna waa la mid, meesha ay ka dhacday adkaanta uu Madaxweyne Muuse sheegto lama hayo. WAXAASE XUSID MUDAN MAANTA HADDII MUUSE UU XUDUUDKA UU SHEEGANYO OO GAROOWE DUSHIISA AH SOO TAABTO, WAA ARIN LAGU QIIMAYN KARO IN ISAAQ UU DAAROOD KA ADKAADAY, HORESE WAX UMA JIRIN.

WAA XAGEE MEESHA UU SHEEGO EE UU AABAHOOD AMA ADEERKOOD AFWEYNE MARIYEY?

Soomaali iyadaa dalkeedii iyo Dawladeedii burburisay, si hagaagsana u bedeli kari waayey Madaxweynihii markaas joogay, markii SNM soo gashay Siyaad Barre Caasimadii Muqdisho waa laga saaray, waxayna ka mid ahaayeen jabhadihii xukunkiisa ku kacsanaa, wax ay si gaar ah u yeeleena ma jirto, mana muuqato wuxuu si gaar ah ugu baano ama meel uu marsiiyey.

DHULBAHANTE IYO WARSANGELI:

BEELAHA DHULBAHANTE IYO WARSANGELI WAA DAD DAAROOD AH, WAXAYNA SOO HOOS GELIYAAN COLAADA UU MADAXWEYNE MUUSE BIIXI DAAROOD U QABO, WAXAANA MARAG MA DOONTO AH OO FICILADA MUUSE KA MUUQATA INAY SOO SOCOTO MAALIN UU ODHAN DOONO “WAXAAN IDIIN MARINAYAA MEESHII AAN ADEERKIIN AFWEYNE MARIYEY”, MARKA AY TIMAADO FURSADEEDA IYO WAQTIGEEDU, WAXAANA LA GUDBOON INAY DIB UGA FIIRSADAAN AAYAHOODA IYO WAXA KA SOO SOCDA MASUULKA MAALIN WALBA MARKII WAXYAR DHACAAN QABIIL IYO MUUSANOW CARUURAHA IYO DUMARKA KA OOHINAYA.

COLAADA TUKARAQ:

Degaanka Tukaraq ee Dagaalku ka socdo waxaa degan DHULBAHANTE, WAANA HARTI OO DAAROOD KA SII AH, MAJEERTEENA WAA HARTI, HADABA HADDII MUUSE QABIIL KA DHAMAAN WAAYEY BAL HA SHEEGTO SIDUU KU YEESHAY OO UU MAJEERTEEN KAGA XIGSADAY, OO AAN KA AHAYN INUU XOOG KU QABSADAY AMA UU HAYSTO QORAAL UU U QORAY GAALKII INGIRIIS EE DHULBAHANTE LA DAGAALAMAYEEN, ISAGANA AWALBA COL BAY AHAAYEEN, WIXIISANA MA AQOONSANA.

XADKA SOMALILAND:

Somaliland 27 sanadood ayey si tartiib ah uga shaqaynaysay inay xadka Somaliland ee ay sheegato ay si nabadgelyo ah ku tagto, waana ku guulaysatay, iyadoo ay markhaati ka tahay degaamadii ay Doorashadii Madaxtooyadu ka dhacday, waxaa ayaan daro ah MADAXWEYNE MUUSE 27 maalmood markii uu xukunka hayey uu xoog isticmaalay oo dagaalka maanta soconayaa ku bilowday, Wadahadalkii Soomaaliya ku baabaĆ y oo la wada maqlayaa heerka colaada Somaliland iyo Dawlada Federaalka, Beelihii Dhulka la deganaana uu maalin walba dushooda colaad Daarood iyo wax aynan raali ka ahayn oo xoog sheegayo ah ka sheegayaa, Xukuumada uu dhisay wuxuu ka siiyey Ciyi waa ka beryey oo caato ah, UGAMANA MUUQATO WAXAY SOOMAALI IYO WAALAHOOD KAGA MAARMAAN OO QABIIL WAXWALBA ISKU KOOBAY, OO HADANA AFXUMO JOOGTO AH CAADEYSTAY KU RAACAAN, kasii darane wuxuu hadda Laascaanood u diray xubnihii isxambaarka ee Golayaasha ee dantood u shaqaysteyaasha ahaa, oo uu ku amray inay soo dhameeyaan in khasab lagu raaco, arintanina waxay meel ka dhac ku tahay dadka degaamadaas ku dhaqan.

YAA KU KHASAARAYA QABYAALADA IYO COLAADA MADAXWEYNE MUUSE:

QABYAALADA IYO COLAADA DAAROOD NACAYBKA KU DHISAN EE MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI MAAHA MID WAXYEELAYSA DHULBAHANTE IYO WARSANGELI AMA DAAROOD, LAAKIINSE WAXAA KU KHASAARI DOONA SHACABKII 40 SANO U SOO DAGAALAMAYEY SOMALILAND LOO DHAN YAHAY OO XAQ IYO CADAALAD KU DHISAN, WAX ALLAALE WIXII HARTI IYO DEGAAMADIISA KA YIMAADA WAXAA MASUULIYADEEDU DUSHA U SAARAN TAHAY MADAXWEYNE MUUSE BIIXI.

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI WAA LA GUDBOON INUU BEELAHA HARTI RAALIGELIN KA BIXIYO CAYDA DAAROOD EE UU MAALIN WALBA OGAANTA U LEEYAHAY, HADDII KALE WAXAY U ARKAYAAN AMA U MUUQANAYAAN DAD XOOG LAGU HAYSTO OO LA QABSADAY.

DAAWO HADALKII GUUBADAHAA EE MADAXWEYNE MUUSE KA JEEDIYEY XUSKII 18 KA MAY:

NO COMMENTS