Madaxweyne Farmaajo oo soo gabo-gabeeyay booqashadiisii rasmiga ahayd ee dalka Qadar

farmaajo qatar

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo gabo-gabeeyay booqadiisii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Qadar, taasoo qaadatay muddo laba casho ah.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa bulshada ee twitterka ayuu madaxweyne Farmaajo ku yiri:

“Waxaan soo gabagabeeyay booqashadii aan ku joogay dalka aan walaalaha nahay ee Qadar, waxaanan hadda kusii jeedaa dalkeyga. Wada-hadalladii na dhex maray aniga iyo walaalkay Ammiirka Qadar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, waxay ahaayeen kuwo mira dhal ah oo kusoo dhammaaday guul”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Qadar iyo shacabkeeda ugu mahad celiyay soo dhaweyntii diirranayd ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa si weyn usoo sagootiyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Qadar, iyadoona lagu wado in saacadaha soo socda uu madaxweynuhu soo gaaro magaalada Muqdisho.

NO COMMENTS