KHILAAFKII WADDANI OO SII LABO KACLEEYEY, INQILAAB FASHILMAY, MAXAY KU DAMBEYN DOONTAA?

cirro uurcade

Khilaafkii u dhexeeyey madaxda xisbiga Waddani Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Xoghaye Guud Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa cirka isku sii shareeray, kadib markii maalintii shalay uu fashilmay kulan inqilaab qorsheysan lagu metelay oo uu soo agaasimay Gudoomiyuhu, kaas oo uu ku doonayey in Hogaanka Xisbigu kulan deg deg ah ay Xoghayaha Guud Xil kaga qaadaan. Nasiibdaro waxaa goobtii ka soo xaadiray Uurcade oo la saadaalinayey inuu maqnaan doono, taasoo wejigabax ku noqotay xubno dhowr ah oo wax isku ogaa.

Sida laga soo tebiyey xubno hagaanka ka tirsan, waxaa hadalkii furay Gudoomiye Cirro oo sheegay in kulankan deg dega ah ee hogaanku ku saabsan yahay warsaxaafadeedkii uu shalay xoghayaha guud jeediyey, wuxuuna deday wixii khilaafku ka bilowday iyo waxay ka wadahadleen mudo todobaad ah oo ay kulamo hoose yeelanayeen, intaas kadib waxaa hadalkii qaatay Xoghayaha Guud faahfaahiyey dhamaan fadhiyadii ay yeesheen iyo sidii khilaafku u bilowday, isagoo cadeeyey in aanu iscasilin, balse uu diyaar u yahay in xisbiga dhiig cusub lagu shubo, maadaama dadaalkoodii 40% dhaafi waayey, soo noqoshadooduna hoos u dhac horseedayso, isagoo ku celiyey inaan Gudoomiyaha iyo Isaguba isa sharaxin Shirweynaha soo socda, wuxuuna cadeeyey in shirweyne lagu doortay, shirweyne kale lagu bedeli karo, inta ka horeysana shaqadiisa wadanayo, wuxuuna hadalkiisii ku soo gunaanadey eedaymo faro badan oo ku aadan Gudoomiye Cirro. Dood iyo muran dheer ka dib waxaa arinta loo saaray 5 xubnood oo soo lafo gura.

HOGAANKA XISBIGA WADDANI:

Hogaanka Xisbiga Waddani inta la ogyahay wuu gaadhayaa 20 xubnood oo gudoomiyaha iyo Xoghayuhuba ku jiraan, 4 ka mid ah ayaa shirweyne lagu doortay, inta kale oo dad uu Cirro soo magacowday, oo markuu doono eryi karo, sidii doraad lagu sameeyey Gudoomiye kuxigeenkii 1aad ee Xisbiga, Hogaanka Xisbigu wuxuu u habaysan yahay in maanta oo kale dano gaar ah loo isticmaalo.

CIRRO IYO UURCADE DIB MOW HESHIIN KARAAN?

Way adag tahay inay dib u heshiiyaan, inta Uurcade aaminsan yahay in labadooduba nasiibkoodii qaateen oo aanay mar dambe xilal isku sharaxin, shirweynuhuna u qabsoomo SI XALAAL AH OO MUSHARAXIINTU U SIMAN YIHIIN, IYAGANA KA MADAXBANAAN.

Sidoo kale warar lagu kalsoon yahay oo xaysimo.com hoos u heshay ayaa xaqiijinaya in XILLIGII UU TAAGNAA MURANKII TIRINTA CODADKII DOORASHADII MADAXTOOYADA SOMALILAND SHIR QARSOODI AH OO AY YEESHEEN XUBNO HOGAANKA KA TIRSANI LAYS KULA SOO QAADAY IN INTAAN NATIIJADA LAGU DHOWAAQIN DOORASHADA LA QAADACO, BALSE AY U CADAATAY INAAN UURCADE KU RAACI DOONIN, BEENINA KARO EEDAYMAHOODA, TAASOO KA HOR KEENI KARTA BEESHA CAALAMKA IYO SHACABKABA, sidaasdarteed la ogaansaday in xooga la saaro in inta shirweynaha ka horeysa lagu qasbo inuu Xogahaye guudnimada baneeyo, iyadoo wixii maalintaas ka dambeeyey la bilaabay dacaayad laysku lamaaninayo Madaxweynihii Guuleystay iyo Xoghaye Uurcade, arintan oo looga jeedo in haddii xoghayuhu diido inuu gorayo khaakhleyn ku tago, arinta qabiil iyo in Madaxweynuhu dabada ka riixayo laga dhigo, qorshahan oo kale horey ayuu u shaqeeyey, xiligii xukunkii Siilaanyo iyo khilaaf Baarlamaanka, inkastoo doorkan mugdi ku jiro.

MAXAA HOGAANKA KA SOO BIXI KARA:

Maadaama xubnaha Hogaanku aanay ahayn kuwo shirweyne lagu doortay ee nin soo magacowday, maalmihii ugu dambeeyeyna la sheegayey inuu hoose uga ololaynayey, waxay soo saari doonaan wixii Cirro u sheego ama u baahan yahay, wayna adkaan doontaa in Xoghayaha Guud ku qanco.

MAXAA KHILAAFKANI KU DAMBEYN DOONAA?

Inkastoo amar ilaahay meeshiisii yahay, hadana Khilaafkani wuxuu u egyahay inuu ku dambeyn doono laamaha Garsoorka ee dacwadahan oo kale qaabilsan, iyadoo dhacdadan oo kale ay dhacday xiligii Cirro iyo Uurcade ka caasi garoobayeen Faysal Cali Waraabe, kadib markii labada oday ee maanta qoortu isu suran tahay intay gudiyo dhoob dhoobeen ay ku dhawaaqeen in Gudoomiyihii xilkii laga qaaday, laakiin markii dacwadii cadaalada gaartay, ayaa loo sheegay in xubintii Shirweyne lagu doortay, shirweyne lagu bedeli karo, haddii aanay dambi cad gelin, waxaana la faray inay sii wada shaqeeyaan inta Shirweynaha la gaadhayo. sidaasdarteed xukunkan ayaa u muuqda inuu labada oday sugayo.

NO COMMENTS