HADDII BAASHE C JAAMAC LOO YEEDHO WAXAA HORTAAL AWOOWEYAASHIIN IYO AABEYAASHIIN BAAN CAYDHSAN JIRAY

muuse iyo baashe

Ciidamada Jiida hore ee Puntland iyo Somaliland ayaa diyaargarowgii ugu dambeeyey ku jira, iyadoo Ciidka ka dib la sugayo in degaamada Tukaraq ay ka qarxaan dagaalo aad u culculus oo saameyn ku yeesha guud ahaan degaamada SSC, dadka wax odorosaana waxay saadaalinayaan in Magaalada Laascaanood ay weji kale yeelan doonto, iyadoo dhowaana ay magaaladaas ka dhaceen falal aad u fool xun oo soo jeediyey indhaha Beesha Caalamka iyo Soomaalidaba sida xarig dad maanto ah, madax furasho dadka lacagu sii deynayo, cabudhis saxaafadeed iwm.

Dad badan oo Reer Somaliland oo ay culeys badan ku hayso xaalada maalinba maalinta ka sii dambeysa sii xumaanaysa ee Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo dagaalka degaamadaas ka socda, ayaa ku talinaya in Madaxweyne Muuse Biixi u yeedho Wasiirkii hore ee Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac.

Baashe Cali Jaamac oo dhaqan ahaan Somalilander ilaa dagaaladii ku sinaa ah, ayaa Howlo balaadhan ka qabtay degmaada SSC xiligii uu Wasiirka ahaa, wuxuu shirweyne Awrboogeys ugu qabtay Beesha Maxamuud Barri, maalmo kadib wuxuu qabtay Shirweynihii Maxamuud Garaad ee Adhicadeeye, wuxuu u sii gudbay dadka Gobolka Sool, halka uu xidhiidhada kala duwan la sameeyey Gobolka Cayn, isagoo dadka degaamadaas kula taliyey in heshiisyo lala galo Somaliland oo isugu lugo duwadaan.

Nasiib daro Baashe Xukuumaddii uu ka tirsanaa ayaa dhabar jebiyey oo Heshiisyadii oo dhan kaga baxday, iyadoo is tustay in ay dalkaba xoog ku haysato oo aanay heshiisyadan u baahnayn, waxay u gembisay qarashyadii shirarka, waxaa Baashe lagula kacay falal fool xumo ah iyo dacaayado raqiis ah, tacabkiisii oo dhana waxaa laga dhigay hal bacaad lagu lisay, waxaa lagu diray hadkayaac iyo qoraxjoog kuwaasoo haaligay.

MAANTA HADDII BAASHE CALI JAAMAC LOO YEEDHO MUXUU QABAN KARAA?

1. Qof kasta oo sharaf leh iyo xurmo ku leh degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaa hortaala HADALKII MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI EE SIDII AWOOWEYAASHIIN IYO AABEYAASHIIN BAAN IDIIN GELAYAA, MANA AHA MID LAGA BOGSANAYO ILAA LA MARO WIXII DHAQANKA KA AHAAN JIRAY, WUXUUNA LA MID YAHAY MAANSADII GUBA.

2. Baashe Cali Jaamac Tolkii mar buu aaminay oo sharfay markiina Somaliland baa dayacday, dib dambe in loogu ciyaarona ma yeelayaan.

3. Beeshu waxay u aragtaa in Madaxweyne Muuse Biixi iyo beeshiisu ku kaceen waxyaabo dhaqanka ka baxsan, sida Baabuur Doorashadii ka hor Baashe Cali Jaamac la siiyey oo markii doorashadii dhacday lagaga noqday, arintaas oo diiniyan iyo dhaqan ahaanba aan wanaagsanayn, iyadoo macnaheedu ahaa nooma aydin codeyn, weliba Waxaa loo soo diray dadka ugu soo horeeyey Wiil uu Abti u yahay, taasoo iyaduna caado cusub ahayd, sidoo kale baloodh dhula oo doorashada ka hor la siiyey Wasiir Faratoon, doorashada kadib baa laga qaaday, iyadoo la sheegay in Mujaahid leeyahay, waxaana ka garnaqay Madaxweyne Muuse biixi.

HADDII GAADHIGOODII IYO BALOODHKOODII AANU U CELINAY MAXAY NAGA DOONAYAAN WAA SUAAL LAASCAANOOD TAAL, DADKA GUULEYSTAY EE GAADHI IYO BOLOODH KA TEGI WAAYEY MAXAA LALA YEELAN KARAA.

4. Dadka Reer Sool, Sanaag iyo Cayn waxay is dhaqan yiqiineen Reer Berbera oo dhaqan iyo xidhiidh fiican laxaayeen, laakiin Galbeedka Hargeysa waa markii isugu horeysay, waxaana jira kala dhaqan duwanaansho badan.

Qodobaas iyo qaar kale waxay sababayaan in qof kasta oo ehlu sharaf ahi aanu degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn taageero uga soo helayn Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, waxaana loo qaatay inuu isxambaarkiisa haysto.

Marka laysku soo wada duuba xukunka Muuse Biixi Xinjirtii barri bay taalla, xawaalkeeduna wuxuu noqon doonaa Tukaraq.

NO COMMENTS