GAADHI IYO BOOLIIS XALAY SOMALILAND KA GOOSTAY OO PUNTLAND U GALAY

baabuur booliis
Baabuurka somaliland lagala baxsaday

Gaadhi oo ka tirsanaa Boliiska Gobolka Sool ee Somaliland oo xalay lala goostay ayaa gaadhay Jiida hore ee Ciidanka Puntland.

Gaadhiga oo la sheegay inay la socdeen askar ciidanka Booliiska Somaliland ka tirsan oo aan tiradooda naloo xaqiijin, ayaa xalay gaadhay jiida hore ee degaanka Tukaraq ee Ciidanka Puntland, iyadoo halkaas ay ku soo dhoweeyeen Gudoomiyeyaasha Gooboladda Nugaal Cumar Faroweyne iyo Sool Abuukar Cabdi Geele.

Baabuurka ayaa la sheegay in dhowaan la geeyey Saldhiga dhexe ee Laascaanood, wadaha gaadhiga ayaa lagu soo gaabiyey Bagaase. SAWIRKA KORE AYAA GAADHIGA LAGA QAADAY XILIGII SOO DHOWEYNTIISA.

Weli dhinaca Somaliland wax war ahi kama soo bixin.

Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa ka dhex taagan xaalad colaadeed oo saacad kasta faraha ka bixi karta.

DHEGAYSO FAAHFAAHINTA SIDA LOOLA BAXSADAY:

baabuur booliis
Baabuurka somaliland lagala baxsaday