FAAHFAAHIN DAGAALKII TUKARAQ EE PUNTLAND IYO SOMALILAND

puntland iyo somaliland

Dagaal la isku agdhacay sidii la isu dilayay muddo ka badan 5 saacadood oo xiriir ah ayaa maanta ku dhexmarey Tukaraq ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland.

Si sax ah weli uma tira koobna khasaaraha labada dhinac kala gaarey maanta, waxaana warar madax banaan sheegayaan nabar culus oo saacadihii horre dagaalka bilowgiisa ku dhacay ciidamada Somaliland, halka si la mid ah nambarkii xiggay uu ku dhacay ciidanka Puntland sida laga soo xigtey ilo lagu kalsoon yahay.

Jugtii horre ee dagaalkii hiirta waaberi ciidamada Somaliland waxaa laga durkiyay aagag ay horey u joogeen sida buurta laba madaxleey iyo Buundada kunjeer aniga ku jecel, waxayna xabaduna dhinaca shishe u dhaaftey Tukaraq wallow markii dambe ay dib ugu soo ruqaansadeen balse uma suurto galin inay soo dhaafaan goobahoodii horre.

Ciidamada Puntland waxay Tukaraq ka fadhiyaan jihooyin kala duwan, waxayna xaaladda labada dhinac dagaalkii maanta u muuqata barbar dhac ah, wallow la hadal hayo in khasaaraha ku kala badan yihiin balse jawiga galabta ka jira jiida saaka la isku fara-saarey uu degan yahay.

Inta laga war hayo Puntland waxay dagaalkii maanta ku qabsatey labo baabuur oo mid ka mid ah yahay Gaari Shilko afar dhuumood ah oo dagaalkii horre Somaliland uga qabsatey Ciidanka Puntland, halka gaarigii labaad oo Beebe ah Puntland ku qabsatey dagaalkii maanta sidey xaqiijiyeen saraakiil ku sugan Aaga dagaalka, dhanka Somaliland wax warar ah kama hayno gaadiid laga qabsaday iyo miday qabsadeenba, wararka la helayaana waxay u badan yihiin hal dhinac, ama qolo waliba waxay jeceshay.

Isku soo wada duubo dagaalkii maanta ayaa sida la aaminsan yahay ka cuslaa dagaalkii horre inkasta oo uu ka muddo yaraa marka la isbarbar dhigo labadii dagaal ee halkaas ku dhexmarey Puntland iyo Somaliland.

NO COMMENTS