Dagaal xoogan mudo dheerna socda oo la filayo inuu ka bilowdo Tukaraq iyo saameynta hadalkii Madaxweyne Muuse

puntland iyo somaliland

Dagaal lagu hoobto oo mudo dheer socda oo u dhexeeya Somaliland iyo Puntland ayaa la filayo inuu ka bilowdo Degaamada Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool.

Waxaa socda diyaargarowgii ugu dambeeyey ee dagaalka, wuxuuna u egyahay haddii aan roobab degaamadaas la daàyaa aanay xanibin mid aan saacadaha soo socda lays gafaynin, ilaahayse waa awoodaa inuu kala qaboojiyo.

Dagaalkii sidii hore waa ka duwan yahay waxaana batrool ku sii shubay oo si hurinaya, hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi ee Isirka (DAAROOD) ku salaysnaa ee uu ku baanay inuu marin doono meeshii uu adeerkood Afweyne (Siyaad Barre), kaasoo ay aad uga xumaadeen Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli oo Isir ahaan ka soo jeeda Beesha Daarood, waxayna isbedel ku sameysay dad badan oo 27 sano Somalilander ahaa.

GUUD AHAAN DADKA DAAROODKA AH EE GEESKA AFRIKA AYAA AAD UGA XUMAADAY HADALADA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI EE ISIR NACAYBKU KA MUUQDO, ILAA HADANA WAXAA LAYS WEYDIINAYA SABABTA KU KALIFTAY MADAXWEYNAHA INUU HADALADAAS ISTICMAALO, IYO FAAIIDADA UGU JIRTA.

Dhowaan ayey ahayd markii Wasiirka Maaliyada ee Somaliland uu si badheedh ah u aflagaadeeyey shacabka degaamada Sool, Sanaag, iyo Cayn.

Saameynta hadalkii Madaxweynaha ayaa maalmaha soo socda laga dareemo doonaa colaada ka soo holcaysa degaanka Tukaraq, waxayna u muuqataa in Hargeysa laga goàansaday in Somaliland qabaail loo kala qaybiyo, taasoo aan la garanayn cida ku khasaari doonto.

NO COMMENTS