Daawo Qurbejoogta Beesha Jaamac Siyaad UK oo taageeray Caaqil Axmed Hoolif isna barbartaagay Ciidamada Puntland

qurbejoogta jaamac siyaad uk

Jaaliyadda Beesha Jaamac Siyaad (Dhulbahante) ee ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa Shir Jaraa’id oo ay Qabteen waxay uga hadleen Xaalada Colaadeed ee ka taagan Deegaanka Tukaraq Gobolka Sool iyo dhalinyarada la khalday ee beeshooda ah oo ciidamada Somaliland ku jira.

Jaaliyaduhu waxay taageereen Cuqaashii uu Hogaaminayey Caaqil Axmed Cabdi Gaas (Axmed Hoolif), waxay buuxda isku barbar istaageen Ciidamada Daraawiishta ee ku jira jiida hore ee dagaalka Gobolka Sool, iyagoo ku tilmaamay inay yihiin wax lagu faano.

NO COMMENTS