CALI KHALIIF OO DOONAYA IN DASTUURKA SOMALILAND LOOGU DARO CAYDA MAJEERTEEN

Cali khaatumo

Siyaasiyiin iyo waxgarad badan ayaa mudo dheer isweydiinayey sababta Somaliland shacabka iyo degaamada SSC uga dooratay odayga qar wareega ah ee Cali Khaliif Galaydh oo aan wax taageero ah ku haysan degaamadaas.

Laakiin beryahan dambe, markii laysku daray ficilada Cali Khaliif iyo Soamaliland waxaa soo ifbaxaysa in Somaliland ay xiisaynayso cayda iyo aflagaadada Majeerteen iyo Somaliweyn, taasoo u muuqata inay degaamadii iyo shacabkii dhamaa u dhaafsadeen Oday ku jira cimrigii Sirqowga oo qar wareeg ah, wax taageero ahna aan bulshada dhexdeeda ku lahayn.

Cali Khaliif oo baryahanba ku doodayey in Dastuurka Somaliland la furo, wuxuu ka rabona la fahmi waayey, isna sheegi waayey, ayaa iminka u muuqda inuu doonayo in Cayda Majeerteen iyo Maagista Somaliweyn loogu daro.

Oday Cali ayaa iminka lagu xamayaa inuu Sirqoobay oo ay kaga dhegtay inuu yahay Madaxweynaha Khaatumo, naceybka Beesha Majeerteen iyo Jacaylka Somaliland.

Isku soo wada duubo, xubno badan oo ka soo jeeda degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn oo xilal ka haya Hargeysa ama qorax-joog ka ah ayey caado u tahay inay ku tartamaan marba wixii Somaliland ay xiisaynayso, iyadoo ay dhowaan ahayd markii Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf uu hanjabaad kulul u diray Puntland, taasoo dad badani ay aaminsan yihiin inay sababtay in ciidamada Puntland ee joogay aaga Tukaraq ay hubka daadiyaan oo dib u yaacaan.

NO COMMENTS