Afghanistan: Xarun lagu diiwaan galinayay codbixiyaal oo la qarxiyay

map afghanstan

Qarax is miidaamin ah ay ka dhacay xarun lagu diiwaan galinayay cod bixiyaal oo ku taalla magaalada Kabul, halkaasi oo ay ugu yaraan ku dhinteen 31 qof.

In ka badan 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo lagu bartilmaameedsaday dad badan oo ku sugnaaa albaabka hore ee laga soo galo xarunta.

Kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi.

Diwaan galinta codbixiyeyaasha ayaa bilaabatay horaantii bishaan anu ku jirno, waxaana dadkaan loo diyaarinayay doorashada xubnaha baarlamaanka oo loo asteeyay in ay qabsoonto bisha Octobar ee sanadkan.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay ducumiintiyo iyo sawirro daadsan dhulka oo dig qariayay.

Goobjoogye lagu magacaabo Bashiir Axmed ayaa sheegay in dadka waxyeellada ka soo gaaratay ay u badnaayeen dumar xambaarsanaa caruurtooda oo halkaa u yimaaday in ay helaan karaka aqoonsiga ayna sidoo kale isku diwaan galiyaan doorashooyinka soo socda.

Toddobaakii la soo dhaafay waxaa dadlka Afghanistan ka dhacay afar qarax oo lagu bartilmaadsanayay goobaha lagu diiwaan galiyo codbixiyaasha.

Balse qaraxaan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa tan iyo qarixii bishii janaayo oo ay ku dhinteen 100 qof, kaas oo ka dhacay dhismooyin ay dowladda leedahay iyo safaarado.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Afghanistaan ayaa bilowgii sandkaan BBC-da u sheegay in ururka Taliban iyo Daacishba ay bartilmaameedsanayaan shacabka si u khal-khal galiyaan.

Ururka Daacisha ayaa dagaal kula jira milatariga Afghanistan iyo taalibaan.

Doorashada baarlamaanka ee lagu wado in ay dhacdo dhamaadka sanadkaan ayaa waxaa xigi doono doorashada madaxtinimada taas oo dhici doonta sandka 2019.

NO COMMENTS